Sign in to follow this  
Deeq A.

Laascaanood: Maamulka Iyo Booliiska Oo Amar Adag ka Soo Saaray Dhulka Oo Murankiisu Batay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Amar lagu mamnuucayo calaamadinta iyo dhismaha dhulka ayaa si wadajir ah ay u soo saareen maamulka dawladda Hoose ee Degmada Laascaanood iyo Ciidammada Booliiska ee Gobolka Sool.

Warka-Laascaanood.jpg

Shir-jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Maamulka Dawladda Hoose iyo Boolisku ayay ku sheegeen in ciddii talaabo dhul aanay fasax u haysan qaadda ay la kulmi doonaan ciqaab.

Maayarka Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Xasan ayaa shacabka uga digay inay isku dayaan inay qaataan dhul aanay sharci u haysanin “Ciddii madaraq ku dhufata dhul aanay fasax u haysan tallaabo ayaan ka qaadaynaa, waxaana ay mutaysanayaan ganaax iyo xadhigba, ciddii dacwad qabtaana waa in ay dawladda hoose la xidhiidhaan iyagoon tallaabo qaadin” ayuu yidhi, Maayarku

Sidoo kale, Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool ayaa isna sheegay in ay badatay dhibaatada isqabsiga dhulku “Sidaa darteed inaanu tallaabo ka qaadno dadka ku mamay dhulka waata ta keentay inaanu go’aan ka qaadano..” ayuu yidhi, Taliyaha Ciidammada Booliiska ee Gobolka Sool.

Geesta kale, Taliyaha Booliska ee Gobolka Sool wuxuu waxba kama jiraan ku sheegay Warar sheegaya in Carruur lagu xaday magaalada Laascaanood, waxaanu sheegay in baadhitaan ay sameeyeen ka dib, xaqiiqsadeen in aanay jirin Carruur ka maqan Waalidiintooda oo Magaalada laga xaday.

Ugu dambayn, Go’ aanka laga soo saaray Murannada Dhulka ayaa ah mid aad loogu baahnaa, maaddaama oo bilihii u dambeeyay ay Magaalada Laascaanood ka dhaceen rabshado salka ku haya muran dhul, kuwaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this