Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Iyo Wafti Uu Hoggaaminaayo Oo Safar Ka Baxay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa waxaa ay saaka ka anba baxeen magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Darar Weyne gaar ahaan iskuulka Tababatada ciidammada oo ay ku jiraan dhalinyarro dhawaan xukuumadu u xareysay Barnaamijka shaqo qaran.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb-gali doona munaasibad dhalinyartaas loogu furaayo barnaamijka shaqo qaran.


Warar hoose aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in dhallinyarro hore ugu guulaystay barnaamijka ay markii la geeyay deegaanka Dararweyne ay dib ugu soo laabteen guryahooda, taas oo aan ujeedada la garanay balse waxa ay sheegayaan wararka in wixii dhalinyaraddaasi loo sheegay iyo waxa ay meesha kala kulmeen ay kala duwanaayeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this