Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland “Waa dil qofkii geysta fal Kufsi ah”

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Xafiiska xeer ilaalinta guud ee maamulka Puntland ayaa shaaciyay in xukun dil ah ay ciqaabtiisu ay noqon doonto qofkii geysta fal Kufsi ah.

Maxamed Xareed Faarax xeer ilaaliye ku xigeenka maamulkaasi ayaa tilmaamay  tallaabadan in ay soo afmeereyso tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Dhanka kale waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug xalay ka dhacay kulan looga hadlayay amniga magaaladaasi.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan Puntland, saraakiisha ciidanka amniga maamulkaasi iyo waxgarad, iyadoona diirada lagu saaray, sidii wax looga qaban lahaa amniga gobolka Mudug.

Wasiirka arimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Axmed Cabdiraxmaan Dhaban Cad ayaa odayaasha dhaqanka ka codsaday in aysan ka daba imaan dadka dambiyada ku eedeysan ee ay soo qabtaan laaamaha amniga.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida dilal qorsheysan iyo dhibaatooyin kale.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this