Sign in to follow this  
Deeq A.

Denmark oo gaartay go’aan Soomaalida ka dhana kadib kulan ay yeesheen R/W Rasmussen iyo Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Copenhagen (Caasimada Online) – Dowladda Denmark ayaa ku dhaawaaqday inay xoog u adeegsan doonaan sidii loo soo masaafurin lahaa qaxootiga Soomaalida ee aan xaqa u lahayn inay sii joogaan dalkaasi, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu u sheegay inuu jeclaan lahaa in Soomaalida ay dalkooda kusoo laabtaan.

Si kastaba, Ra’isul wasaaraha dalkaasi, Lars Løkke Rasmussen ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inay si iskooda dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Ra’iisul wasaare Lars Løkke Rasmussen  waxa uu  ammaanay xaaladda Somalia, kadib, markii uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo isku arkeen shirkii Carabta iyo Midowga Yurub ee dhawaan lagu qabtay magaalladda Sharma-sehekh ee dalka Masar

Waxa uu tilmaamay inuu Madaxweyne Farmaajo sheegay inay faa’ido fiican noqon lahayd, isla markaana uu taageerayo inay dadka Soomaalida dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, si ay uga qeyb galaan dib-u-dhiska dalka Hooyo.

Lars Løkke Rasmussen waxa kale oo uu sheegay inay Somalia la leeyihiin iskaashi wanaagsan, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Dowladiisa khasab ku celin doonto Soomaalida aan sharciga lahayn, haddii laga maarmi waayo arrintaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta dalka Denmark waxay shaki xoogan ka muujiyeen suurto-galnimadda Dib-u-celinta Khasabka ee Qaxootiga Soomaalida ku nool dalkaasi, balse, Ra’isul wasaaraha Denmark  waxa uu tilmaamay inuu  jiro Heshiis Qarsoodi oo Toos ah oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo Denmark.

Mar sii horreysay, Dowladda Federalka waxay ku gacan sayrtay aragtida ku aadan in dadka Soomaalida ee ku nool dalka Denmark dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.

Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Socdaalka ka ah dalka Denmark, Inger Støjberg  waxay bishii December ee sannadkii hore ugu baaqday Qaxootiga Soomaalida  inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo, kana qeyb galaan Dib-u-dhiska Somalia.

Denmark ma aha dalka kaliye ee ku hawlan inaysan qaabilin Qaxooti cusub, iyadoo kuwii horena dib ugu celinaya dalalkooda hooyo.

Sannadkii hore, Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Maatiyo Salfiini waxa uu go’aansaday, inuu diirada saaro masaafuruinta Qaxootiga ku qulqulayo dalkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this