Deeq A. Posted February 27, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ka furmay tababar lagu shaqaaleysiinayo 200 oo dhalinyaro ah oo laga soo xulay dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir. Bixinta tababarkan shaqo abuurka ah waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda dhanka horumarinta iyo mashaariicda QM ee UNDP. Dhalinyarada oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa waxa ay baran doonaan, sida loo farsameeyo leerarka Cadceeda iyo horumarinta ganacsiga. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) oo ka hadlay furitaanka tababarkaasi ayaa sheegay in ay ka go’an tahay, sidii fursado muhiim ah loo siin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-faajoy.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites