Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Ingiriiska Oo Deeq Waxbarasho Siinaysa Ardayda Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay taageerida horumarka dhalinyarada Somaliland, gaar ahaan dhinaca waxbarashada.

Deeq-waxbarasho.png

Khudbad uu Wakiilka xafiiska UK ku leedahay Somaliland Mr. Stuart Brown ka jeediyey shirweynahii dhalinyarada Somaliland ee dhawaan lagu qabtay magaalada Hargeysa wuxuu ku sheegay in iyadoo ay hore dawladda Britain u taageeri jirtay waxbarashadda Somaliland in hadana ay imika sii xoojinayso.

“Xukuumada Ingiriisku waxay taageero ka gaysataa dhinaca waxbarashada goboladda Sool iyo Sanaag, oo loo soo mariyo sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF). Annagoo si dhaw ula shaqayna wasaaradda waxbarashada Somaliland, una fududayna helitaanka fursado waxbarasho dhalinyarada la’aanteed taageeradan aan fursado waxbarasho u suurtowdeen”ayuu yidhi Mr. Brown.

Mr. Brown, ayaa sidoo kale shaaciyay inuu bisha dambe xafiiskiisu bilaabayo imtixaan loo gelayo deeqo waxbarasho oo jaamacadaha UK bilaabi doonaan.

Waxaanu yidhi, “Sidoo kale, xukuumada Ingiriisku sannad walba waxay qabataa fursado deeqo waxbarasho lagu siinayo ardayda Somaliland.

Waxaanan rejaynayaa in aan bisha dambe imtixaan ka qaadno ardayda nasiibka u yeelata deeqahaa waxbarasho. Waxaanan u rejaynayaa nasiib wanaagsan dhamaan inta ka qayb qaadan doonta imtixaanka”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this