Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabar yar oo dhacdo xanuun badan loogu geystay magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Warar ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhacdo kale oo xanuun badan ay ka dhacday xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Gabadha oo 14 sano jir aheyd ayaa la sheegay in si xun loogu dilay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, halkaasi oo Soomaalida ay ku badan tahay, waxaana la sheegay in gabadha ay waxyeelo gaarsiiyeen dadkii ay la joogtay.

Magaca Gabadha ayaa lagu sheegay Ismahaan, waxaana la helay meydkeeda oo dhaawacyo badan ay ka muuqdeen, iyadoo laamaha amaanka ay la wareegeen baaritaanka gabadha yar.

Qaar kamid ah ehelka Gabadha ayaa sheegay in gabadha loo tagay dad ay isku xaafad deganaayeen, balse la helay meydkeeda iyada oo waxyeelo daran ay ka muuqatay, iyaga oo warbaahinta la hadlay.

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa la sheegay in ay xireen dad lagu tuhmayo in ay dilkan qeyb ka ahaayeen, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo sababaha keenay dilka gabadhan da’da yar.

Dhacdadan naxtinta leh ayaa mar kale qabsatay baraha bulshada xili dad badan ay ka murugeesnaayeen dil kale oo arxan daro ah oo magaalada Gaalkaco loogu geestay gabar yar oo 12-sano jir ah.

Gabar kale oo 13 sano jir ah ayaa lagu la yahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana laamaha amaanka ay ku raadjoogaan gabadha la sheegay inay ku maqan tahay magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this