Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS Oo ku wajahan dalka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay u ambabaxaan dalka Qatar.

Wakaaladda wararka dalkaasi ee Qatar News Agnecy ayaa shaacisay in booqasho rasmi ah madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo magaalada Dooxa, islamarkaana uu beri kula kulmi doono Amiir Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dowladood, iskaashiga iyo arrimo kale.

Qatar ayaa ka mid ah dalka saaxibada la ah Soomaaliya, waxaana DFS ay ka taageertaa dhinacyo dhowr ah oo ka mid tahay dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this