Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo gudoomiyay shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Shirk ayaa looga hadlay xulashada hannaanka federaaleynta Maaliyadda, Qaan-gaarsiinta Maamul gobaleedyada, Hannaanka iyo qorshaha dhab-u-heshiinta qaran, Qiimaynta iyo maal-gelinta Halbeegyada Tubaha Qaranka.

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa ka qayb galayaasha shirka usoo jeedisay xulshooyinka hannaanka Federaalaynta Maaliyadda Dalka arrintaas oo si qota dheer looga hadlay intii uu socday shirka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddoomiyay shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada.

Shirkaasi looga hadlay dib-u-habaynta iyo tayeeynta adeegyada caafimaad ee isbitaalka Banaadir, qorshaha tayaynta shaqaalaha rayidka iyo qorshaha ololaha isxilqaan ee 2019 lagu dhisayo Jamaacadda Umadda, Bangiga dhiiga, Isbitaalka Xooga, Maktabadda, Madbacadda Qaranka, taallooyinka taariikhiga ah iyo jardiinooyinka magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this