Sign in to follow this  
Deeq A.

AFRICOM: “35 Al-Shabaab ayaan ku dilnay duqeyntii G/Hiiraan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa xaqiijiyay in diyaaradahooda ay fuliyeen duqeyntii xalay ka dhacday degaanka Hees oo 28 mile dhinaca barri uga aadan magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkaasi cirka ah ay la beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo ku socdaalayey tuulooyinka miyiga ah, ayna ku dileen 35 xubnood, sida ku cad war-saxaafadeedka.

“Illaa iyo haatan waxaan xaqiijin karnaa inaanu jirin waxyeelo dad shacab ah kasoo gaartay howlgalkaasi,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ma jiro jawaab oo ku saabsan sheegashada dowladda Mareykanka oo kasoo baxay dhanka xarakada Al-Shabaab.

Axadii ayey aheyd markii Mareykanka uu sheegtay in labo xubnood oo Al-Shabaab ah uu ku dilay kadib afar duqeymo oo uu ka geystay degaanada Awdheegle, Janaale iyo Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this