Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Wareysi xasaasi ah oo ay bixisay hooyada gabadhii 12 jirka ee la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Hooyada dhashay gabadhii lagu dilay magaalada Gaalkacyo markii la kufsaday kadib ayaa xog dheeri ah ka bixisay qaabka ay ku waayeen gabadhooda iyo sida loo dilay.

Hooyada oo lagu magacaabo Seynab C/Wahaab ayaa sheegtay in Gabadheeda Caaisha ay weysay gelinkii dambe ee shalay markii ay u dirsatay inay suuqa hilib kasoo iibiso, balse la arkay meydkeeda markuu waaga baryay.

Seynab C/wahaab ayaa sheegtay in falka uu ka dhacay agagaarka xerada Siinaay oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxayna sheegtay in dhaawac uu ka muuqday qaarka sare ee jirkeeda.

Waxay sheegtay in arintaan ay aheyd fal ay aad kaga naxeen, iyadoo sheegtay in dhaawac daran uu kamuuqday qeybaha hoose ee jirkeeda, iyada oo sheegtay in ugu yaraan rag badan loo malaynayo inay kufsadeen.

Hooyo Seynab waxay sheegtay in hadda ay u joogaan 7 caruur ah, balse wali ay socdaan baaritaan isamarkaana aan wali la aasin gabadheeda yar oo 13 sano jir aheyd.

Hoos ka dhageyso wareysiga

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Hooyada-dhashay-gabadhabii-kufsiga-iyo-dilka-loo-gaystay-oo-la-hadashay-DMI.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this