Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabahadhii labaad oo lagu la’ yahay Gaalkacyo iyo war kasoo baxay DENI

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in la weysan yahay gabadhii labaad oo ah gabar la da’ ah gabadhii saaka meydkeeda la helay.

Qoyska Gabadha ay ka maqan tahay ayaa shaaciyay inay ka maqan tahay gabadhooda seddexdii maalin ee lasoo dhaafay, waxaana hadda ay dalbadeen in lala baadi goobo.

Walwal hor leh ayaa soo wajahay qoyskaan, kadib markii waaberigii saaka magaalada Gaalkacyo laga helay meydka Gabar yar oo lagu magacaabo Caaisha oo jirdil badan uu ka muuqday jirkeeda.

Gabadha maqan ayaa magaceeda lagu sheegay Hani Maxamed Warsame waana 13 sano jir, iyada ehelka ay sheegeen inay doonayaan cid walbaa inay ka qeyb qaadato baadi goobka gabadhooda maqan.

Hooyada dhashay gabadha oo lagu magacaabo Sahro C/Nuur ayaa ka dalbaday Shacabka Gaalkacyo inay la xiriiraan haddii ay meel ku arkaan Gabadhooda.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saacado kadib ka hadlay dhacdadii xanuunka badneyd ee ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wuxuu hadalka jeediyay kadib markii uu ka qeyb galay musaanad arday badan ku qalin jibinayeen, wuxuuna sheegay in laamaha amaanka eee Puntland uu rajeynayo inay talaabo cad ka qaadi doonaan dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo ayuu ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan falalkaasi oo kale, maadaama sida uu sheegay in Caa’isho ay aheyd gabar aad u da’yar oo fal xanuun badan lagu sameeyay.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa arintaan ka hadlay, isaga oo sheegay inay socdaan baaritaanadii ugu dambeeyay oo lagu baadi goobayo dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this