Sign in to follow this  
Deeq A.

Rabshadaha Dalka Venezuela Ka Socda Oo Faraha Ka Sii Baxaaya Iyo Wararkii U Danbeeyay .

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Venezuela)Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, Mike Pompeo ayaa waxa uu sheegay in maalmaha u haray madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro “ay yihiin kuwo tirsan” kaddib iskudhacyo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhashay gargaar bini’aadamnimo oo halkaas la gayn lahaa.

“In la sheego maalinta rasmiga ah waa ay adag tahay. Waxaanse ku kalsoonahay in dadka Venezuela ay xaqiijin doonaan in maalmaha Maduro ay yihiin kuwo tirsan,” Mr Pompeo ayaa u sheegay warbaahinta CNN.

910A6AD9-B0F6-4DFE-8C13-71EF2DDE4AD3.jpe

Laba qof ayaa Sabtidii ku dhintay iskudhacyada u dhaxeeyay dadka rayidka ah iyo ciidamo daacad u ah Mr Maduro, kuwaas oo hor istaagay in gargaar halkaas la gaarsiiyo.

Madaxweynaha ku meelgaarka ah ee iskii isku magacaabay Juan Guaidó ayaa sheegay inay qasab tahay in Mr Maduro uu iscasilo.

dowladood u aqoonsadeen inuu yahay hogaamiye ku meelgaar ah, ayaa waxa uu dalalka kale ugu baaqay inay dib u eegaan “dhammaan tallaabooyinka” xilka loogaga qaadi karo Mr Maduro kaddib dedaalo uu mucaaradku horkacayay oo looga gol lahaa sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa goobaha ay dhibaatooyinka ka jiraan.

Waxaa kale oo uu sheegay inuu ka qeybgeli doono kulan ay tagayaan inta badan hogaamiyayaasha dalalka Laatiin Ameerika oo Isniinta ka dhacaya dalka Colombia, walow ay saaran tahay xayiraad dhanka socdaalka ah oo uu ku soo rogay Mr Maduro.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa Washington ku matali doona wadahadallada Bogota.

Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa Axaddii sheegay in Mr Pence uu qorsheynayo inuu wadahadallada Isniinta kaga dhawaaqi doono “tallaabooyin adag” iyo “ficil” wax looga qabanayo dhibaatada, waxaa sidaasi ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhanka kale, dalalka Colombia iyo Brazil ayaa waxa ay sheegeen inay sii kordhin doonaan cadaadiska ay ku hayaan Mr Maduro si uu xilka u banneeyo. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaanan meesha ka saarin quwad milateri in loo adeegsado dhibaatada

Doonni sidday gargaar uu Mareykanka soo dhiibay oo ka soo kicitintay Puerto Rico kuna wajahneyd Venezuela ayaa waxaa lagu qasbay inay ku xirato dhulka ay Holland ka taliso ee Curaçao kaddib markii uu dhexda ku hakiyeen ciidammada badda ee Venezuela ee ku sugan xeebaha waqooyi ee dalkaasi, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP.

Doonida ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay saaran yihiin sagaal konteenar oo laga soo buuxiyay cunno iyo dawooyin.

Mr Maduro, oo sheegaya inuu yahay madaxweynaha saxda ah ayna baritaarayaan dalalka ay xulafada ku yihiin dhinaca dhaqaalaha ee ay ka midka yihiin Ruushka, Cuba iyo Shiinaha, ayaa waxa uu ka digay in keenista gargaar ajnabi ay wadadi u xaari doonto faragelin milateri oo uu Mareykanku soo qaado.

Mr Guaidó, oo bishii la soo dhaafay ku dhawaaqay inuu yahay madaxweyne ku meelgaar ah, ayaa waxa uu ku doodayaa in eedaha ah in ay jireen wax isdaba marin ka jirtay doorashadii 2018 uu hogaanka Mr Maduro yahay mid aan sharci ku dhisnayn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this