Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada ururka Haweenka Qaranka Oo dib loo dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Axmed Gabale ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay doorashada ururkaasi oo lagu waday in ay dhacdo kowda bisha soo socoto ee Maarso.

Marwo Batuulo ayaa dib u dhacan u sababeysay in haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dalka ay ka qeyb galayaan doorasho gole deegaan ah, islamarkaana aysan suuragal aheyn in la’aantooda haweenku ay qabtaan doorasho guud.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gabale ayaa si kulul uga hadashay dhacdadii maanta lagu dilay haween la sheegay in ay olole nadaafadeeed ka wadeen deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo sidoo kale dhacdadii lagu dilay Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd, taas oo ku nooleed magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhacdooyinkan oo siyaabo kala duwan uga dhacay gobollada Shabeelaha Hoose iyo Mudug ayaa ah kuwa reebay dareen iyo murugo xanuun badan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this