Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag hubeysan Oo guddoomiye ku dhaawacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in maanta guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Heliwaa iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawaceen gudaha degmadaasi.

Mas’uulka la dhaawacay ayaa ahaa guddoomiyaha waaxda Barwaaqo ee degmada Heliwaa, kaas oo magaciisa lagu sheegay Haashim Maxamed.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen, xilli uu la socday gaari nuuca raaxada ah oo marayay xaafadda Carte ee degmadaasi.

Dhaawac fudud ayaa weerarkan ka soo gaaray guddoomiye Haashim, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaasi.

Maalmihii dambe waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarood ay sheegteen Al Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this