Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo gargaar gaarsiiyay Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne (SMN) – Hay’adda gargaarka ee King Salman ayaa kumanaan Qoys oo ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaarsiisay raashiin gargaar ah, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan hay’addaasi.

Qoysaska loo qeybiyay deeqdaasi raashiinka ah ayaa la sheegay in tiradooda ay gaareysay illaa 9,000 oo ruux oo dhibaatooyin bani’aadanimo ay ku heysatay magaaladaasi.

Wakaaladda wararka ee dalka Sacuudiga ee SPA ayaa xustay in dhammaan Qoysaska ka faa’iideystay deeqdaasi gargaarka ah ay ahaayeen dadkii ay saameynta u ku yeelatay fatahaadihii ku dhuftay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka HirShabelle ayaa dowladda Sacuudiga ugu mahadceliyay deeqda gargaarka ah ee ay gaarsiiyeen dadka ku dhibaateysanaa gobolkaasi.

Sidoo kale waxa ay Sacuudigu ka codsadeen in uu sare u qaado gargaarka bani’aadanimo ee la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan deegaanada maamulkaasi.

Hay’adaha gargaarka ayaa hore uga digay xaaladaha bani’aadanimo ee taagan qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

The post Sacuudiga oo gargaar gaarsiiyay Baladweyne appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this