Deeq A. Posted February 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Admiral Khaliif Idiris Cusmaan, oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidamada badda Soomaaliyeed, ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliya in ay joojiyaan ganacsiga kala dhaxeeya Kenya. Sarkaalkaan ayaa sheegay in uu hadalkiisa ula jeedo in Kenya ay mudo kooban gudaheeda ay ku dareento qiimaha ay Soomaalidu leedahay. Dowladda ayuu ka dalbaday in hay’addaha Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya isla markaana fadhigoodu yahay magaalada Nairobi lagu amro in ay usoo wareegaan Muqdisho. Admiral Khaliif Idiris Cusmaan ayaa qaba in Kenya muddo 3-bilood ah ay ku dareemayso dhaqaalo burbur hadii la fuliyo fekradahaasi. Ugu dambeyntii, Khilaafka diblumasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa haata waxa uu umuuqdaa mid yeelanaya wajiyo horleh oo sii hurinaya xiisada. The post Admiral Khaliif: “DFS dagaal dhaqaale haku qaado Kenya” appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites