Deeq A. Posted February 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay tuulada Golwayn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid markii ay Al-Shabaab duulaan ku ekeysay fariisin ay ciidamada xooga ku leeyihiin halkaas. Illo dadka degaanka ayaa sheegaya in uu jir khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo uu keenay iska hor-imaadka. Saraakiisha ciidamada xooga ee halkaasi oo ay Shabelle la xiriirtay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan khasaaraha. Ma jiro illaa iyo haatan war ku saabsan dagaalka oo kasoo baxay dhinaca dagaalamayaasha Al-Shabaab. The post Faahfahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites