Deeq A. Posted February 21, 2019 Balcad(SMN)- Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weeraran ku qaadeen saacadihii la soo dhaafay fariisimo ciidanka dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin dhanka galbeed degmada Balcad ee gobolkaasi. Ilo dadka degaanka ah ayaa shabelle usheegay in dagaalka uu socday ku dhawaad hal saac isla markaana ay jiraan qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ma jirto wax war oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe iyo saraakiisha amaanka ee dowlada Soomaaliya. Dhinaca kale Al-shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku sheegtay mas’uuliyada weerarkaasi ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. The post Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Balcad appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites