Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weeraray fariisin ciidamada DF ku leeyihiin degmada Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariirin ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaasi.

Ciidamada Al Shabaab ayaa weeraray bar ilaalineed (Control) ku yaala dhanka Galbeed ee degmada Balcad, halkaasi oo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku sugnaayeen, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid Al Shabaab, waxaana ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan khasaaraha ka dhashay weerarka oo xalay dhacay.

Dadka deegaanka degmada Balcad ayaa sheegaya in maalmihii ugu dambeeyay la hadal hayay weerarka Al Shabaab ay qorsheynayeen inay ku qaadaan degmada Balcad, waxaana soo wajahay cabsi kale kadib weerarkii xalay.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Balcad iyo Al-Shabaab si rasmi ah ugama hadlin dagaalkaas,hayeeshee degmada Balcad ayaa dhowr jeer waxaa weerar kusoo qaaday Al-Shabaab,iyada oo Bartamihii Sanadkii tegay ee 2018 mar la wareegay wallow markii dambe isaga baxeen.

Al Shabaab ayaanan sidoo kale wali ka hadal weerarka ay ku qaadeen galbeedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in askar badan ay waxyeelo kasoo gaartay weerarka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this