Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilkii Maxamed Mursal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada online) –  Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dilkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee kooxo hubeysan ay ku dileen ku xigeenka xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya.

Maxamed Cabdiraxmaan Mursal ayaa kooxaha hubaysan waxay ku dileen xaafadda Siigaale ee degmada Hodon, sida dad goobjoogayaal ah ay u sheegeen Caasimada Online.

War rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii maanta oo lagu dilay Maxamed Mursal.

“Howlgal ay ciidamada Shabaab ka fuliyeen degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayey ku dileen sarkaal ka tirsanaa dowladda, gaar ahaan waxa loogu yeero xeer ilaalinta.” ayaa lagu yiri war kooban oo Al-Shabaab kasoo baxay.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta dilku ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo Boolis ah oo Meydka sarkaalka uqaaday dhanka CID-da.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dableyda dishay Maxamed Mursal ay ka xeysteen gaari uu watay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this