Sign in to follow this  
Deeq A.

Lacag xad dhaaf ah oo la dul saaray gaadiidka dekedda Muqdisho kasoo qaada xamuulka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah gaadiidleyda alaabaha kasoo daabula dekada magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujinaya lacago badan oo ay ka qaadaan ilaa lix shirkadood oo ay sheegeen inay qaabilsan yihiin diiwaan gelinta gaadiidka dekadda alaabaha kasoo daabula.

Iyaga oo gaadiidleydaasi warbaahinta la hadlayay ayay sheegeen in laga qaado lacag gaareysa 150 dollar, balse warqadda boonada lagu qoro kaliya in laga qaado 10 dollar, iyaga oo sheegay inay taasi tahay musuq maasuq shirkadaha ay sameynayaan.

Afhayeenka Guddiga Gaadliidleyda cabaneysa Cabdulaahi Cali Mujaahid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dekadda ay taalo isbaaro sharciyeysan oo aan waxba laga qaban karin, sida uu hadalka u dhigay.

”Halkii gaari ee Dekadda doonaya in uu alaab kasoo qaado boonada uu ku galayo dekadda waxaa looga qaadayaa 150-dollar, waxaana boonada loogu qorayaa kaliya 10-dollar, hadii aadan lacagtaasi lagaa rabo aadan dhiibin dekadda laguuma ogolaanayo in aad gasho, lacagtan xooga noolaga qaado rag baa kala qeybsada oo ku heshiiyay” Ayuu yiri Afhayeenka Gaadiidleyda cabaneysa.

Afhayeenka u hadlay gaadiidleyda ayaa sidoo kale sheegay inay cabashadooda ay u gudbiyeen wasiirka gaadiidka iyo duulista Hawada, islamarkaana uu u balanqaaday inuu wax ka qaban doono, balse aysan jirin wax uu ilaa iyo hadda qabtay.

”Adeer waxaan kuu sheegayaa cid loo dacwoodo oon alle aheyn ma jirto, Wasiirkii aan u dacwoonay lacagta nalaga qaado ayaa wax looga qoondeeyay, Maareeyaha dekadda sidoo kale, saldhiga booliiska dekadda hadaad tagto albaabka laga soo celinayaa, rag baa noo heshiiyay oo kala qeybsada lacagtan sharci darada ah ee noolaga qaado, Madaxda dowlada hadaan u caban laheyn rag baa naga hortaagan ” Ayuu yiri Cabdulaahi Cali .

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka dekadda iyo shirkadaha la sheegay inay qaabilsan yihiin diiwaan gelinta gaadiidka ka shaqeeya dekadda magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this