Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhiggiisa Jabuuti Oo Maanta Kulmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku kulmaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay gaaray dalkaasi, kadib markii uu soo gabagabeeyey safar uu ku joogay dalka Burundi.

Wararku waxay sheegayaan in kulanka maanta looga hadli doono arrimo u badan xiriirka dalka Jabuuti ee aynu walaalaha nahay.

Arrimaha ammaanka iyo sidoo kale is garab istaagga ayaa ka mid ah waxyaabaha ay Labadan madaxweyne maanta ka hadli doonaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this