Deeq A. Posted February 18, 2019 Kheyre oo daah-furayo mashuuca Ra”iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah-furay bilaabashada mashruuc lagu dhisayo waddooyinka xiriiriya Muqdisho, Afgooye iyo jowhar. Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku guuleysatay dhismaha waddooyinkan ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan sidii loo dhisi lahaa wadooyinkan. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa goob joog ka ahaa madasha heshiiska lagu kala saxiixday. Dowladda Qadar ayaa maalgelineysa dhismaha waddooyinkan isku xira magaalooyinka Muqdisho, Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan gobolada Banaadir iyo labada Shabeelle. Dhismaha wadooyinkan ayaa waxay muhiim u yihiin isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka qaada, kuwaasi oo dhibaato weyn ku qabay bur burka wadada. PUNTLAND POST The post Kheyre oo daah-furay mushruuc weyn oo maal-galinayso Qadar appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites