Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhig Ciidammada Jabuuti Ku Leeyihiin Gudaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Saldhig Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay ku leeyihiin Galbeedka degmada Jalalaqsi ee dalka Soomaaliya.

jabuuti.jpg

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Jabuuti, iyadoo Jabuutiyaankana ay dhankooda Madaafiic kale ku jawaabeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqeynta ay ku dileen shan askari Jabuutiyaan ah, halka 12 kalena ku dhaawaceen, inkastoo aanay jirin warar xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka sameeyay duleedka degmada Jalalaqsi oo la rumeysan yahay in madaafiicda laga soo tuuray.

Dadka deegaanka Jalalaqsi ayaa sheegaya in madaafiicdii xalay ay cabsi ku abuurtay, balse ma jirto khasaare soo gaaray dadka deegaanka.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saldhigyo ku leh degmooyinka Jalalaqsi, Buulo Burde iyo Beledweyne oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this