Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi oo ka hadlay xiisadda Kenya iyo Somalia (Yaan lagu hor ordin koox orod dheer oohinna badan)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee sida weyn u dhaliilsan dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii dowladda Kenya.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dowladda Soomaaliya ay jawaab ka bixiyo go’aanka dowladda Kenya oo durba 24 saac ay kasoo wareegatay, isaga oo sheegay inaan loo baahneyn in lagu hor ordo madaxda dalka.

YAAN LAGU HOR-ORDIN KOOX AYADU OROD DHEER, OOHINNA BADAN

Ma haboona In lagu hor ordo isla markaana ilama ahan in umadda ookiyaalaha indha-sarcaadka si fudud loogu geliyo, ayadoo caadifadooda kacsan laga faa’idaysanayo, waxaa ila quman In la sugo jawaabta ay bixiyaan madaxdii warqadda cabashada Kenya ay Soo gaartay 10 maalmood ka hor oo jawaabtu ka Soo bixi weyday illaa xaalku meesha uu hadda marayo gaaray.

24 saacadood ayaa haddana ka Soo wareegtay go’aankii Kenya ay safiirkeeda u joogay Soomaaliya ugala badxey, kii Soomaaliyana dib loo Soo celiyey, illaa haddana uma maalaynayo In go’aanno ka Soo baxaya hey’ado dawladeed la sugayo waxaa la sugayaa waa shakhsiyaad dalka taladiis ayagu isku koobay oo saamaynta habdhaqankooda gurracan iyo siyaasad xumadoo ay dalka ku yeelanayaan aanba ka war-heyn.

Xaraaska shidaalka Soomaaliya lagu siinayey si sharci-darro ah oo mugdi ku jiro shirkado shisheeye dadkii sida indha la’aanta ku difaacayey In ay Maanta umadda isku hor oohiyaan cidna ka yeeli mayso qiiradaas jaban, balse In shirkadahaas iyo ciddii kale ee soo damacda kheyradka iyo dhulka Soomaaliya danta ay rabtaba ha ka yeelatee In laga daafaco oo meel looga Soo wada jeesto waa waajib, oo aan lagu halleyn shakhsiyaad aan xambaari karin mas’uuliyadaas.

Caasimada Onlin
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this