Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aanka Kenya saameyn maku yeelan doonaa dacwadda Badda ee Soomaaliya kala dhaxeyso?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – C/raxmaan C/laahi Dhubad (Daqare) oo ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda dalka ayaa sheegay in go’aanka ay dowladda Kenya ku joojisay xiriirkeedii dowladda dhexe aanay qal-qal ku keeni karin dacwadda badda ah ee ka dhaxeysa Labadan dal.

Waxa uu sheegay in go’aankaasi ay maxkamadda cadaaladda gacanta ku hayso, islamarkaana wax walbo oo ay Kenya sameyso aanu arrintaasi isbedal ku imaan karin.

Daqare ayaa sheegay kaliya hadda in loo baahan yahay in lasoo xiro xuduudaha dalka uu la wadaago Kenya, islamarkaana la joojiyo xitaa xiriirka dhanka ganacsiga, taasi oo keeni karta in Kenya ay dareento culeys dhan walbo ah oo keena iney xitaa ka tanaasusho doodda dhanka badda ah.

“Go’aankan maxkamad ayuu horyaallaa, nidaamka maxkamadeedna hab loo kala baxo ayaa jirta, annaga wax walbo waan geynnay, Kenya taas mar-marsiyo kama dhigan karto, midda kale haddii aan annaga go’aanno xasaasi ah ka qaadanno Kenya waxaan ku tusi doonaa iyaga oo soo qeylinaya oo dhaqaalahooda hoos u dhacay, walibana ka tagi doona doodda badda” ayuu yiri Daqare.

Dhanka kale, C/raxmaan Daqare ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay dhankeeda iney qaadato go’aanno geesinimo leh, islamarkaana si dhab ah u matasho shacabka.

“Dowladda waxaan u doorannay iney danaha shacbiga Soomaaliyeed ilaaliso, wixii xog ogaalnimo ah oo ay inooga badan tahay wey la aamusi kartaa, dowladda rasmiga ah waa shacabka, shacabkana aragtidiisa waa ay caddahay, dowladdana waxaan ka rabnaa iney si dhab ah noo matalaan oo danaheenna ilaaliyaan” Daqare ayaa sidaasi yiri.

Kenya ayaa sheegtay iney joojisay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya, iyadoo go’aankeedan u sababeysay shirkii London ee lagu soo bandhigayey sahanka shidaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this