Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Hanti-dhowrka oo xiray xafiiska maaliyadda NISA iyo baaritaan socda + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska hanti-dhowrka qaranka ayaa maanta ila amar dambe xiray xafiiska maaliyadda ee hay’adda NISA, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, kuwaas oo sidoo kale nala wadaagay sawirro.

Hanti-dhowrka guud ayaa baaritaan ku billaabay xafiiskan, waxaana lagu warramayaa inay ku maqan tahay lacag malaayiin dollar, oo ah mushaharka shaqaalaha hay’adda NISA.

Ilo-wareedyada warkan la wadaagay Caasimada Online ayaa sheegay in shaqaalaha iyo ciidamada NISA ay hal bil oo kaliya mushaharka qaateen tan iyo bishii October, markaasi oo uu agaasinka NISA uu si KMG ah u qabtay Fahad Yaasin, kadib markii uu is-casilay agaasimihii hore ee NISA, mana cadda sababta.

Ciidamada kaliya ee mushaharkooda sida joogtada u helay tan iyo waqtigaas ee NISA, ayaa ah kuwa Gaashaan iyo Waran, kuwaas oo mushaharkooda uu bixiyo Mareykanka. Ciidamada dhar-cadda ee NISA iyo shaqaalaha kale ee hay’adda iyo ciidamada aan hoos-tagin Mareykanka ayaa waxaa ka maqan mushahar dhan 3 bilood.

Inkasta oo mushaharka la bixiyey hal bil oo kaliya tan iyo October, ayaa haddana xogta aan helnay waxa ay sheegeysa in lacagtooda laga soo qaaday bankiga dhexe, taasi oo dhalisay baaritaanka hanti-dhowrka oo lagu ogaanayo sababta aan loo bixin.

Waxaa sidoo kale jirta in ciidamadii hubeysnaa ee NISA ee lagu daray booliska in ayagana mushaharkooda lasoo qaadayey tan iyo waqtigaas inkasta oo hadda booliska ay hoos-tagaan, ayada oo aan la ogeyn lacagtooda halka la geeyey.

NISA ayaa waxaa miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019 ay ku leedahay in ka badan 12 milyan oo dollar, waana lacagtii ugu badneyd ee ay ka hesho miisaaniyadda abid.

Hanti-dhowrka ayaa amray in wax lacag ah aan laga bixin karin lana furin karin xafiiska ilaa kiiskan baaristiisa uu kasoo dhammaanayo. Waan idinla wadaagi doonnaa wixii kasoo kordha Insha Allah.

WhatsApp-Image-2019-02-17-at-1.35.41-PM. WhatsApp-Image-2019-02-17-at-1.35.41-PM- WhatsApp-Image-2019-02-17-at-1.35.42-PM. WhatsApp-Image-2019-02-17-at-1.35.42-PM-

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this