Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxyo xoogan Oo ka dhacay degmada Heliwaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo is xig-xigay oo goor dhow ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo marayay agagaarka isgoyska Soos ee degmadaasi.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxadaasi oo miino ahaa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada AMISOM ay rasaas xoogan fureen, taas oo la soo warinayo in waxyeelo ay ka dhalatay.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana hakad uu ku yimid dhaq dhaqaaqii waddadaasi.

Radioshabelle.com, kala soco wixii soo kordha.

The post Qaraxyo xoogan Oo ka dhacay degmada Heliwaa appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this