Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Wada-hadallo ka socda Villa Somalia iyo hal caqabad oo hor-taagan go’aanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay madaxda sare ee Soomaaliya ay ka leeyihiin go’aankii ay Kenya xiriirka uga jartay ayaa ka socda xarunta Villa Somalia, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha dibedda, safiirka Soomaaliya ee Kenya, wasiiro, la-taliyayaal iyo xubno kale oo sare oo ka mid ah dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka fakaraysa go’aankii iyo jawaabtii ay ka bixin lahayd tallaabada ay qaadday dowladda Kenya, hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa inay caqabad ku hor gudboon tahay dowladda Soomaaliya.

Caqabadda ugu weyn ayaa ah ayada oo xubno sare misana miisaan ku leh dowladda Soomaaliya sida wasiiro, taliyayaal ciidan iyo la-taliyayaal sare ay haystaan dhalashada dalka Kenya, qaar ay ganacsiyo ku leeyihiin dalkaas, halka qaarnka ay u degan yihiin qoysas.

Waxayaabaha la is-weydiinaya ayaa ah haddii Soomaaliya iyana ay xiriirka u jarto Kenya, oo uu billowdo dagaal diblomaasiyadeed culus, sidee la isugu haleyn karaa xubnahaas, looguna aamini karaa sirtya qaranka Soomaaliya.

Shaqsiga ugu weyn xubnahaas waa sii haya taliyaha xilka NISA, ahna ku xigeenka taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji, oo hadda xitaa ku sugan weli magaalada Nairobi, oo aan ka mid ahayn waftigii saaka soo gaaray Muqdisho ee uu tarsan hogaaminayey.

Dhinaca kale, xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xubnaha haysta dhalashada Kenya ama ganacsiyada ku leh oo qeyb ka ah wada-hadallada, ay ku talinayaan in dowladda Soomaaliya ay wada-hadal la furto Kenya, oo aysan go’aan dagaal u muuqda qaadin, taasi oo muujineysa mar horeba dhibaatada dadka haysta labada dhalasho.

Si kastaba, wararka ayaa sheegaya in go’aanka uu soo bixi doono dhowaan, ayada oo aysan caddeyn sida la isugu haleyn karo Soomaalida labada dhalasho ama laba dan leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this