Deeq A. Posted February 17, 2019 Qoryooley (SMN) – Warar dheraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisimo ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmadaasi. Sida ay shabeelle u xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Sh/Hoose, waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay guddoomiyaha Qoryooley, ku xigeenkiisa, xoghayaha degmadaasi iyo taliyaha Booliska degmada Afgooye oo ku sugnaa xerada la weeraray. Dhaawacyada mas’uuliyiintan ayaa isla xalay loo soo qaaday gudaha magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad. Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wada halkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. The post Dagaal khasaaro geystay oo xalay ka dhacay Qoryooley appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites