Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo sheegay waxa Amisom ku qasbay inay badalaan qorshahooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxyaabaha qasbay in taliska ciidamada AMISOM ay badalaan qorshaha dagaalka ay kula jiraan ciidamada Al Shabaab.

Afhayeenka dhanka howlgalada Al Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay danta ku qasabtay inay badalaan qorshaha dagaalka ay kula jiraan AL SHabaab 11 kii sano ee lasoo dhaafay.

Dagaalka jid galka ah ee Al shabaab ku qaadaan ciidamada AMISOM marka ay dhulka ku safrayaan ayuu sheegay in saameyn weyn uu ku yeeshay AMISOM, islamarkaana uu qasbay inay badalaan qorshaha dagaalka.

Arinta kale ee sababtay inay AMISOM badasho qorshaha dagaalka ayuu sheegay inay tahay in ciidamada qaarkood ay ku go’doonsan yihiin magaalooyin iyo deegaano ku yaala Somalia sida Baraawe,Buulo Mareer,Qansax-dheere iyo Maryan Gubaay.

Taliyayaasha Howlgalka Midowga Afrika ayaa shir ay shantii maalmood ee la soo dhaafay ku lahaayeen Muqdisho waxaa ay uga soo saareen isbeddel lagu sameeyay howlgalka AMISOM.

Qorshaha cusub ayaa lagu sheegay in howlgalka hadda kaddib uu noqonayo mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah islamarkaana la beegsanayo goobaha la rumeysanyahay in Al-shabaab ay ka abaabulaan weerarrada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this