Deeq A. Posted February 15, 2019 Muqdisho (SMN) – Howlgalka Atlantic ayaa sheegay in wali xeebaha Soomaaliya ay ka jirto khatarta burcad-badeeda qafaasha maraakiibta. Marco Guerriero oo ka tirsan ciidamada badda Talyaaniga ee howlgalkaasi ayaa shaaciyay in ay dar-dargelinayaan guluf ka dhanka ah burcad-badeeda. “Dhalinyarada burcad-badeedku dib ayey isku soo abaabuleen…waxayna doonayaa in ay fuliyaan weeraro,” ayuu yiri Guerriero. Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyay in howlgal roondo ay dhowaan ka sameeyeen biyaha u dhaxeeya Somalia, Yemen, Jabuuti iyo Eritrea. Howlgalka Atlantic, oo uu taageero Midowga Yurub, ayaa waxaa kaga sugan biyaha Soomaaliya maraakiib la dagaalanta kooxaha burcad-badeeda. Kooxaha burcad-badeeda Soomaalida oo soo shaac-baxay intii u dhaxeysay 2008-kii iyo 2009-kii ayaa afduubtay maraakiib ay lacago madax furasho ka qaateen. The post M/Yurub: “Wali way jirtaa khatarta burcad-badeeda Somalia” appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites