Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Xoojinaya Taageerada Uu Siiyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho(SMN)- Safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Donald Yamamoto ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu uga hadlay arimo ay kamid yihiin taageerada horumarinta dhanka dhaqaalaha ee Soomaaliya.

“ Howgalka Mareykanka ee Soomaaliya waxa uu ku faanayaa taageerada uu siiyo dadka iyo dowlada Soomaaliya,si loo helo mustaqbal fiican oo Soomaaliya ay hiigsato,iyadoo u mareysa kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka“ayuu yiri Mr Yamamota.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lacag gaareysa 74 Milyan oo Dollar ay ugu deeqeen Soomaaliya,si loogu hormariyo barnaamijyada kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Mr Yamamoto hadalkiisa intaas ku daray in Mareykanka dib ugu soo laabtay Soomaaliya,si uu uga caawiyo dhinacyada shaqo abuurka,isla markaana ay rajeynayaan in Soomaaliya ay diyaar u tahay ganacsi daah furan.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay caawin doonaan ganacsiga gaarka loo leeyahay,sida kaluumeysiga,beeraha iyo xoolo dhaqatada sis are loogu qaado wax soo saarka dalka.

Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili tobanaan sano kadib dowlada Mareykanka ay dib uga furtay saafaradeeda magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

The post Mareykanka Oo Xoojinaya Taageerada Uu Siiyo Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this