Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Amisom oo wax ka badalay qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada online) – Taliska Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM aya shaaciyay inay wax badan ka badaleen howlgalkii ka dhanka ahaa Al Shabaab, islamarkaana la dajiyay qorshe cusub.

General Tigabu Yilma Wondimhunegn oo ah Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM ayaa shaaciyay iney diyaariyeen hanaan cusub oo lagula dagaalamayo Al Shabaab, waxaana uu sheegay in qorshaha koowaad uu yahay in la beegsado kaliya xarumaha rasmiga ah ee Al Shabaab,

Taliyaha ayaa sheegay inay isla garteen in meesha laga saaro qorshihii hore ee ahaa in hal mar ciidamo tiro badan iyo gaadiid ay weeraraan Al Shabaab, kuwaasi oo qaraxyo waddooyinka loo geliyo iyo weerar dhabo gal ah Al Shabaab kala kulmi jiray.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshaha uu qeyb ka yahay in Albaabada loo laabo saldhigyo AMISOM ku leeyihiin gobolada dalka, waxaana ugu horeeya ciidamada Burundi oo ka bixi doono Shabeelaha Dhexe.

Qorshaha Cusub ee uu la yimid taliyaha AMISOM oo magacaaban 14 Maalin ayaa waxaa ku raacay saraakiisha kale ee AMISOM, waxaana la filayaa inay dhaqan geliyaan.

Taliyaha wuxuu sheegay in qorshaha qeyb ka tahay in ciidamada AMISOM ay ku duulaan goobo cayiman oo Al Shabaab ay ku sugan yihiin, kadibna ay dib ugu laaban doonaan halkii ay kasoo dhaqaaqeen.

Qorshaha ayaa la sheegay inuu aad ugu dhow yahay qorshaha ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandoonka Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida Ciidamada AMISOM sidaasi oo kale u sameyn doonaan, maadaama aysan heysan diyaarado iyo hub casri ah.

Caasimada Onlin
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this