Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Somaliland oo war ka soo saartay wasiiradii hore ee tagay Xamar iyo qorshahooda dhabta ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimadda Online) – Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay wasiiradii hore ee Maamulkaas ee ka dagay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in wasiiradaas ay ugu dambeyn dowladooda kasoo codsan doonaan in la cafiyo isla markaasna ay deegaankooda dib ugu soo noqonayaan.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasiiradaas ay shaqo tag yihiin isla markaasna ay Muqdisho u tageyn sidii ay lacag usoo heli lahaayeen.

Wuxuu wasiirka sheegay inay Wasiiradaas u fiicneyd inay tagaan Kismaayo iyo meelaha kale oo uu sheegay inaysan qarayada ka dhicin.

Wuxuu sheegay inay tageyn meel maalin kasta ay qaraxyada ka dhacaan isla markaasna wuxuu ku tilmaamay kuwa naftooda halis geliyey.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan wax welwel ah ka qabin tagitaankooda Muqdisho ayna aaminsan yihiin inay mar dhow cafis soo waydiisan doonaan Somaliland.

Magacyada xubnaha ka socda Somaliland ee soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah; Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland, Khadar Axmed Diire Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda.

Waxaa kale oo dadkan ka mid ah Axmed Keyse Guray oo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo noqday.

Qofka kale oo isna la xaqiijiyay in uu wasiirradii Siilaanyo ka mid ahaa hayeeshee aan magaciisa la xaqiijin ayaa ka mid ah,waxaa kale oo ku wehliya xubno u badan dhallinyaro oo u soo wareegay Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this