Sign in to follow this  
Deeq A.

Habeen iyo maalin walba bulshada Somaliland waxay la hadashaa Madaxwayne Muuse Biixi isna uma jawaabo ee wuxu la hadlaa Farmaajo,Isna uma jawaabo By Amb.Axmed Safiina

Recommended Posts

Deeq A.   

KAAF IYO KALA DHEERI

mb-2-300x171.jpg

Habeen iyo maalin walba bulshada Somaliland waxay la hadashaa Madaxwayne Muuse biixi isna uma jawaabo. Khudbad kasta madaxwayne Muuse wuxuu la hadlaa madaxwayne Farmaajo isna uma jawaabo.

Labada jeerba waxa qaldan madaxwayne Muuse, Mar wuxuu la hadlayaa madaxwayne aanuu geelu iskugu jirin oo isaga layaaban, Marna wuxuu iska dhagatiray dhawaq-yada bulshada Somaliland ee cabashada u bada una dhaw inay isku badalaan kacdoon shacab.

IMG-20181107-WA0002-259x300.jpg

Waxa kala cabanaya M/Muuse na ka aamusay
1- Xukuumaddii vs Darbi-jiifkii !
2- Xukuumaddii vs Wadhatadii !
3- Xukuumaddii vs Hal-abuurkii !
4- Xukuumaddii vs Saxaafaddii !
5- Xukuumaddii vs Xisbiyadii !
6- Xukuumaddii vs Danahii dalka !

Bulshadu Somaliland waxay qaadayaan
(Naftaydu nafbay rabtaa, Naftuna nafkalay rabtaa)

Amb.Axmed Safiina

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this