Sign in to follow this  
Deeq A.

Qamrigii ugu badnaa ee laga keenay Ethiopia oo Puntland lagu gubay

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Maamulka degmada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa magaaladaasi ku gubay qamrigii ugu badnaa oo la sheegay in laga keenay dalka Ethiopia, kaasi oo la doonayay in lagu iibiyo gudaha magaalada.

68 Dhalo oo qamri ah oo maamulka Puntland ay sheegeen in laga keenay Ethiopia iyo Xashiis badan ayaa lagu gubay duleedka magaalada Boosaaso, waxaana laamaha amaanka ay sheegeen in ganacsatadii wadatay la qabtay.

Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku dhigeen lacag badan oo ay lahaayeen ganacsatada dooneysay inay ka ganacsato waxyaabaha maanta dooriya.

Magaalada Boosaaso ayaa la rumeysan inay ku sugan yihiin ganacsato Soomaaliyeed oo magaaladaasi u iib geeya waxyaabaha maanta dooriya, oo masuuliyiinta maamulka ay ku sheegeen inay amni darada qeyb ka yihiin.

Dhawaan magaalada Boosaaso waxaa gaaray ciidamadii ugu badnaa oo la doonayo inay xaqiijiyaan amaanka magaalada Boosaaso, iyaga oo ka hor tagaya dadka amni darada ka abaabula magaalada.

Waxaa dhawaan la filayaa inuu gaaro madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni isaga oo ka jawaabaya weerarkii gaadmada ahaa ee Al Shabaab ay ku dileen madaxii shirkadda P&O ee hoostagta shirkadda DP World.

Caasimada online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this