Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Ina Bowdan

Recommended Posts

Magaciisa oo saddexan waa Nimcaan Ibraahiim Bowdan, waxaa uu ku dhashay magaalada Hargeysa 10-kii bishii Octobar ee sannadkii 1988-kii, waxaa iska dhalay Aabbe Ingiriis ah iyo hooyo Soomaali ah, Aabihii waxaa la odhan jiray Bowdan Erick Pascal, waxana uu aabihiis markiisii hore ahaa nin haysta diinta Kirishtaankam hase yeeshee wuu soo Islaamay inta uusan guursan xaasas saddex ah oo Soomaali ah, wuxuu noqday markii dambe Injineer ka shaqeeya wakaaladda biyaha ee Hargeysa, markii dambena wuxuu ku soo biiray diinta Islaamka, waxaana loo bixiyey magaca Ibraahiim.

 

Nimcaan Hooyadiis waxaa iyana la odhan jiray Ruun Aw-Daahir Max’ed, waxey aheyd xaaskii ugu dambeeyey ee Ibraahiim, iyadoo udhashay laba wiil oo kala ah Nimcaan iyo Nimcaale, waxeyna labadaasi wiil oo ku soo biiray qoyska Ibaraahim iyo Ruun, ahaayeen kuwo farxad galiyey nolosha reerkooda, Aabahood waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho sannadkii 1992-ki xilligaas oo ay bilow ahaayeen dagaalada sokeeyey isla mar ahaantaana la bar tilmaalmeedsanayey dadka ajaanibta ah. Hooyadoodna waxey geeriyootay Nimcaan oo 7-sano jir ah, sannadkii 1995-kii.

 

Nimcaan intii aaney hooyadii dhiman waxey geysay Dugsiga H/Dhexe ee Sh. Bashiir oo ku yaalla magaalada Hargeysa, lix bilood ka dibna waa uu isaga tagey kaddib markii ay hooyadii geeriyootay, reer abtigii ayaa waxey u wadeen Nimcaan miyiga, halkaasoo uu la qabsan waayey nolosha adag ee dadka miyiga, wuxuuna muddo gaaban kaddib ku soo laabtay waddooyinka magaalada Hargeysa, halkaasoo ka bilaabay noloshiisii iskoriska aheyd.

 

Nimcaan waxaa uu ka mid noqday caruurta darbiya jiifka ah, {Street child}, â€Waxaan meel la seexan jiray caruurta isticmaasha xabagta, xashiiska, qaadka, iyo maandooriyaalka kale, waligeyna xabag {Koollo} ma isticmaalin†ayuu yiri, Nimcaan oo ka sheekeynayey bilowgii noloshiisa dhibka iyo silica badan, Nimcaan wuxuu baranayey muddo sideed bilood ah hawlaha dhismaha, isagoo qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin Baalash, {Caseeye} hawlaha dhismaha iyo Kirishbooy, kuwaasi oo uu dhib badan kala soo kulmay.

 

â€Nolosheyda waxaa iigu dhib badnaa markii habeen uu jiray qabow ba’an uu nin waalan naga qaatay buste dhaxameed uskak badan oo aan wada huwaneynay aniga iyo saaxiibkey kale oo darbi jiif ahaa, waxaana anagoo in badan wada hardameynay markii dambe nooga qaaday niman kale oo ku soo baxay cabaadkeena†Nimcaan oo noloshiisa adag kasii warbixinaya ayaa wuxuu leeyahay, â€Saddex jeer ayaa waxaan helay fursado aan ku aadi karay dalka dibaddiisa hase ahaatee waxaa fursadahaa idhaafiyey dad aan nolosheyda rabin, laba jeer waxaa i wadi rabay hay’adaha Qaramada Midoobey, marna dalxiisayaal Jarmal ah balse maxey kuugu taallaa garoonka ayaa la iga soo celinayey iyadoo la lahaa {kan yari wuu Gaaloobayaa}, aniguse waan jeclahay Diintayda Islaamka oo ma gaaloobeen.

 

Nimcaale Ibraahim Bowdan oo ah wiilka kaliya ee ka weyn Nimcaan, wuxuu dhashay sannadkii 1986-kii, waxaana koriimadiisa dusha u ridatay ayeydiis oo la odhan jiray Aamina Aw Daahir Qaalib, oo xiligaa ku nooleyd magaalada Muqdisho, waxaana u suura gashay iney geyso Kuleej waxbarasho oo Talyaanigu gacanta ku hayey, waxaana uu nasiibkiisu noqday in markii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya uu sii xoogeystay uu ka mid noqdo dadkii ajnabiga ahaa ee safaaradda Talyaaniga ay ka daadgureysay Xamar, iyadoo sidaana Nimcaale lagu geeyey Talyaaniga.

 

Nimcaan waxaa noloshiisa qodax ku soo taagnaatay muddo ku noqday nin hooyadiis ay qaraabo ahaayeen oo aad u cadaadin jiray sida uu isagu sheegay, â€Waxaa uu ibaday in aan dhib badan maro†ayuu Nimcaan si muruga leh u yiri, waxaa kale oo uu xusay in nin seedigii ah oo qabay walaashiis oo Ingiriiska ku nool uu kala kulmay cadaadis aanu ka fileyn, â€Waxaan kula kulmay Hargeysa, wuxuuna ila hadashiiyey walaashey, iyadana waxey kula dardaarantay inuu i ogaado, waxaan joojiyey markaa kaddib, kirishboynimadii oo waxaan is iri markan waxaad la mid tahay asaagaa, hase ahaatee, seedigey wuxuu la yimid isbedel isagoo canaan aanan galabsan ii joogteeyey, isla markaana walaashey ka dhaadhiciyey in aan ahay wax iskuma fale isticmaala waxyaabaha maanka dooriya, markaas kaddib waxaan bilaabay inaan cuno qaadka, anigoo isla galabkaaba markii ugu horreysay soo qaatay qaad lana soo ag fariistay guriga hortiisa, dibna waxaan ugu laabtay noloshii aan lahaa waad ka baxday iyo riyadii beenowday ee aan runta u haystay.

 

Wiilkan Nimcaan ah wuxuu leeyahay hiwaayado kala gadisan, â€Waxaan ku fikiraa in aan sameeyo hees luqadda Ingiriiska ah oo aan ugu magacdaray I am alone! oo macnaheedu yahay Waan cidloonayaa! taasoo aan uga hadlayo nolosha aan soo maray iyo tan aan haatan ku jiro, waxeyna qeexi doontaa heestaan waayihii aan soo maray†balse layaabka jira ayaa wuxuu yahay Nimcaan inuusan garaneyn luqadda Ingiriiska, marka laga reebo xoogaa yar oo badbaado, â€Aad baan u calool xumaadaa markaan is ogaado inaanan garanayen luqaddii aan u dhashay iyo markaan arko dad aan u dhalan Britain oo ugu hadlaya sidii dadkeena oo kale†ayuu yiri Nimcaan oo aad ka dareemayso sida uu uga xunyahay inaanu garnayen luqadda reer aabbihii, waxaase uu sheegay inuu ku talo jiro barashada af Ingiriisiga, â€Haddii aan helo maalinkii laba saac oo firaaqo ah muddo lix bilood ah waxaan ugu hadli doonaa luqadda Ingiriiska si isdaba joog ah oo cidna aysan cid kale iiga tarjumin†ayuu yiri Nimcaan oo nagula sii kaftamay â€Safarkiina dambe ee Hargeysa waxaad ii imaan doontaan aniga oo Tarjubaan ahâ€.

 

Waxaa jira laba hablood oo ku aabbe ah oo ku nool dalka Ingiriiska kuwaas oo lagu kala magacaabo Shukri Ibraahim Bowdan iyo Iimaan Ibraahim Bowdan, in kastoo aanu la laheyn sida uu sheegay wax xiriir ah, Nimcaan waxa uu dareemaa inuu kaligii yahay mararka qaar, â€Marka la gaaro ciidaha oo aan arko ilmo waalidkood la socda oo suuqyada imaanaya, waxey ugu sii daran tahay marka aan maqlo iyagoo hooyooyinkood ku dhahay dharkaan ma rabo ee kuwaa kale ii iibi, runtii waxaan is iraahdaa haddii hooyadaa ay noolaan laheyd silacan iyo murugadaan subax noolba kuma waabariisateen†sidaa Nimcaan ayaa yiri isagoo sharaxaad ka bixinaya sida dareenkiisa isku badalo xilliyada qaar, waxaana uu gabdhaha la dhashay ka codsanayaa iney garab siiyaan oo ay la soo xiriiraan xaaladdiisana wax ka ogaadaan.

 

ingr001.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this