Sign in to follow this  
Deeq A.

Tarsan oo ku baaqay in la’iska kaashado dagaalka Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa qaar ka mid ah dalalka gobolka ugu baaqay in dowladda federaalka ay kala shaqeeyaan la dagaalanka Al Shabaab.

Mr Tarsan ayaa xusay in Xarakada Al Shabaab ay halis weyn ku tahay ammaanka dhammaan dalalka xadka la leh Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in iskaashi iyo wada shaqeyn dhex marta dalalka gobolka iyo DFS ay tahay mid lagu wiiqi karo awooda Al Shabaab.

Safiirka ayaa dhinaca kale tilmaamay in haddii QM Soomaaliya ay ka qaado xayiraadda hubka ay dowladdu u saara geli laheyd in ay wax ka qabato amniga dalka.

Maxamed Axmed Nuur Tarsan safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee ku yaala qaaradda Afrika ee la dagaalama ururo waaweyn oo ay ka mid yihiin AlShabaab iyo Daacish

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay dowladda Kenya in ay wada shaqeyn ay la sameyso dowladda Soomaaliya, si xal looga gaaro halista Al Shabaab.

The post Tarsan oo ku baaqay in la’iska kaashado dagaalka Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this