Sign in to follow this  
Deeq A.

Caruurta Inay Tahriibo Inaga Ugu Wacan.

Recommended Posts

Deeq A.   

“Class baan galay waxaan eegayey miisaska iyo kuraasta yaalla waa loox iyo bir la isku xidhay oo la laabay oo ardaygu ku fadhiyo, nijaar waliba wuu samayn karaa, waxa naxdin iyo yaxyex lahaa inay ku qornaayeen Hay’addo inagu caawiyey, kuwo ku qoray magacyadoodii ee ku dhajiyeyna ceebay ku tahay oo waxba inamay siin, inaga waxaas qabsan kari waynay ceebay inagu tahay, “sidaas waxa yidhi madaxweyne Biixi.

244C2E9B-9BFE-45F1-9334-BA8E66E9B385.png

“Ilmaha ku korey kursigaaga waxa ku samaysay Unicef ama Norway caqligiisu sidee buu noqonayaa soo adoonsigii ku noqon maayo oo isku arki maayo ilmo taagdaran oo kaasi caawinayo, ilmihii yaraa soo isku arki maayo inuu hooseeyo oo

ka dibna uu u tahriibo kuwii wadankiisa ku caawinayey miiska, waxaas inaga ku abuurnay inuu u cararo kuwaas looxa u sameeyey inuu ugu tago wadankoodii, inaga hagranay.”ayuu yidhi Biixi.
“Kharashka inagaga baxa khilaafeedkeena, qabiilada is laynaya gurmadkooda, kharashka inagaga baxa muranka dhulka ee aynu dadka ku dilno, kharashka inagaga baxa dooda iyo faanka dhexdeena, ka inagaga baxa booliska iyo ka wax boobay soo qabashadiisa waxa uu inoo dhisi lahaa wasaaraada waxbarashada, macaliminta iyo da’yarteena oo dhan mustaqbalkooda, dhibaatada inaga haysata maskaxdeenii baa ku jeedda wax iska celi iska ilaali cid walba ilaa uu jaarkiisa la shaqayn Karin “

Barkhad-ladiif Mohamed Omar

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this