Deeq A. Posted February 7, 2019 Dhqane:Waar heedhe maxaa khaldan ?miyeydaan u sheegin markaa ka sii tegayseen 80 kan malyuun ee deynta ah inaa 80.000 oo cod u siiseen? Dhaashane:Iga wala waddanigaa aanu u boobnay baa caqli dhaami.sowkan anagii uun naga dhamaan waayey maaha.Waar ileyn askari siyaasad ma barto. Dhaqane:Oo waxan ku waydiiyey shirkii Kulmiye maxaa Boorame lagala doonay? Dhaashane:Kii Ina xaashaa hungureeyey baan maqloo ,malaa isagaa loogu quus goynayaa. Dhaqane:Dee waa runoo idinba markaa cid u quus goynaysaan waydinkii Burco ula carari jiray. Dhaashane:Waar heedhe ma dhabaa madaxweyne muse qandaraas weyn oon lagu tartamin buu siiyey adeerkii Ina aw saeed? Dhaqane; Ha siiyo dee imisaa idinba adeer adeer wax isu siinayseen.ma isagaa gaal gaal dhalay iyo West Burco Clan ah. Dhaashane :waar adeerow waa markaad af somali aan la fahmayn ku hadli jirtee waxan ku waydiiyey,Horta sheekhii sheekh Aden sunni ma la sii daayey? Dhaqane;KKKKK maanagaad na waydiinaysaa dadkii aad xidhxidheen?Mida kale ,sida wax loo xidho ayuunbaa taqaaneene ma idinkaa sida wax loo sii daayaba yaqaanay. Sowtaan lahaa maaha: Dagaal ragu wuu galaa Dil iyo dhagar buu mutaa Mar buu dood kulul ceshaa Denbaab iyo khalad galaa Kulmiyahan daahiri bukoo Ka daa handaraabka dee. Waa qalinkii;Baxnaan xaaji aden diiriye Sweden haaheey@hotmail.com Source Share this post Link to post Share on other sites