Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidii Qaranka looga dhiteystay Muuse Bixii Ummada ka qarin karri waa?

Recommended Posts

Deeq A.   

.
Sidii Qaranka looga dhitaystay Muuse Bixii Ummada ka qarin kari waa?

Nin la odhan jiray Bulaale Baarjeex waxa laga haya laga reebay hadda” inaagu gob” Markaa hada waxay leedahay “ileen annagu Gob” Xukumada UDUB ee Madaxweyne uu ka ahaa Md Daahir Riyaale Kaahin Habka Qabiil lagaga Tuuray Xukunka Dalka, ,Maanta marka loo eego waxa ku soo baxay Xukumadii hore ee Kulmiye Axmed Siilanyo uu ka ha Madaxweynaha.

Waa tii Xukumadii Kulmiye hore ay odhan jireen Ummadanna in badan ugu soo cel celin jireen Xukumadii Udub ayaa Qaranka Oodaha u sii rogtay. Qasnadii qaranku waa haawaneysa , alla yaa ku soo yara celiya siddii Xabashi Dalka hogaankiisa ay ka tureen ayeey labbad qawlal xunbada ka tuuri jireen marka ay ka hadlayaan Xukumadii Daahir Riyaale kaahin Xitta waa la yidhaahda iminka ka yara da,yaa iyo wax u dhow ee ilaa hadda ayey sii hibtaan hadda iyagaan “ Haan-gun la,aa Qaranka ugaga taggey hadha cad na waa Muuse yidhi ma Qarin karro ?

Tolow iyagoo isku Kulmiye maxa sababay inay Oodaha isugu sii rogaan? Yaab iyo Ama-kaag uun weeye waxa kuu soo baxaya. Muuse bixi haddii uu 80 million kaliya sheegay waa uu Xishooday ayaan filaya waanna u tudhay Xukumadii tagtay inkasto laga yaabo in wax kale waa soo bixi karaan.

Waxa siddo kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Bixi waxay Ummadu uga fadhida inuu ka Tuhun-saaro dhowr hal-bowl oo ka mid ah ilaha dhaqaalah Dalka oo si gacmo hoos u dhiqid ah loo wareejiyay Shirkada laga leeyahya Emaradka carabta iyo Dawlad Emaaradka laftigeeda ba ummada na loogu sheegay in Bilaashiyo ,waxa aan suuro-nimadedu ay adag tahay markii loo soo bandhigayey bixintooda oo ay ka mid yihiin Garoonka Diyaradaha ee Berbera iyo Dekedda Berbera oo labbada Goobood ba Ummad ka daadegi la,aa ilaa iyo Maalintii wareejintooda go,aanka laga gaadhay. Waxaa marag ma doon in dhamaan waxyaabihi la laha bixinta labadda bog-cadood ee muhimka ayeynu dhaafsaneyna aan wali wax ka suuro-galay aaney jirin iminkan arinku u sansaan eeg yahya dhabbanno hays iyo af kala qaad .

Ummada waxa in badan oo ka mid ahi ay rumeysan tahay in Danaha Shikhsiyaad lagga fuudh yeelay. Wali ay jirto inay gacan mug leh oo Dhaqaale ka soo gasho Raggii Hormuudka ka ahaa, iyaddo Ummadu aanay marnaba ka soo hor-jeedin Maal-gashiga Xalalsha ah ee ay ka fog tahay mad-madowga iyo gacmo go,oo lagu qariyo .
Waa ogyahay Qofkii Dameer iyo Dadnimo ku danbaysa inaan Xukumadii Axmed Siilaanyo iyo 5tii Wasiir ee Adeerada u ahaa maha Qaranka u dhayin ee ay ka soo dal-daloliyeen.

Odaya kale Xajji canfareed la odhan iiray waxa laga reebay Ninkagga waramaya Adigga iyo Joogaagu war-ma isu heysaan. Kulmiye iyo Dilaalintoodii Xukumadii hore Siillanyo in badan ayaanu ku nidhi warka aad dudubinaysaan armee Adeerayaalow hadhow wax ka soo noqdaan.

War ka soo noqoy ee maxay odhanayaan Run sheegayaashi reer Kulmiye ? Sidda aan ku Aqaanay idho adeygood waa hadlayaan. Maxay ku hadli oo ay ka taggeen. La garanmaayo waxa aan ahayn is-difaacidii beenta aheyd. Halkaana ragu baa Kaadhku kagga gubtay. Ma jirto ayaan filaya inay xita ka soo xaadirayaan Shirka Golaha Dhexe ee Xisbigii Kulmiye ee laha waxa uu wan soomaya 23 Bisha labaad ee Sanadkan.

(AHU )Cali dhuux Aadan waxa laga guntay meeriyo ay ka mid ahayeen mar uu la hadlayey sidda Isaaqu u ugu sibir dhaqaaqo wax aanu aad uga baaran degin .

*Idoor sal-fuududa waxa uu sugaayo muu dhowro.
*Waa soo socdaan Xeedhiyhi saabka loo tolaye.

Iminka waxa aynu ku badeli Idoor sal-fududa muu sugo inta ay runta soo bixi?

Marka waxa aan ku soo Gunaanadaya guntii iyo gabo-gabadii Siddii Qaranka looga dhiteystay Muuse Bixii Ummada ka qarin karri waa !
Warkii jira Cakaaru iman.

Abokor I Mohamud.

Bolton Uk
Waa Billahi Towfiiq.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this