Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Turkiga Oo Muddo Kordhin U Sameeyay Ciidammadooda Ku Sugan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Mudanayaasha Barlamaanka dalka Turkiga ayaa waxay ay shalay ansixiyeen xilli-kordhinta Ciiddanka Turkishka ee ka hawl-gala Deegaanadda Istaraatijiyadda ee ku yaalla Somalia, Gacanka Cadmeed iyo Badda Carbeed.

BARLAMAANKA-TURKIGA-750x430.jpg

Barlamaanka dalkaasi waxay sheegeen inay ansixiyeen Mooshin ay Xukuumadda Turkiga u soo gudbiyeen oo ku aadanaa ansixinta xilli-u-kordhinta Ciiddankaasi, iyadoo la isku raacay inay ciiddankaasi sii hawl-galaan ilaa bisha Feberaayo 10-da ee sanadka soo socda ee 2020-ka.

Waa markii 11-aad ee Barlamaanka Turkiga ansixiyaan in Ciiddamo loo daad-gureeyo, kana hawlgalaan Xeebaha somalia, Gacanka Cadmeed iyo Badda Carbeed oo uu Barlamaanka Turkiga markii ugu horreysay ansixiyeen sannadkii 2008-da.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this