Deeq A. Posted February 6, 2019 Afgooye (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay shalay ka fulisay deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose. War ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xarumo Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaankaasi. AFRICOM ayaa shaacisay in duqeyntan ay lagu dilay xubno ka tirsanaa Al Shabaab, walow aysan shaacin tiradooda. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in weerarkan ay ku gacan siiyeen Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar madaafiic ah oo Al Shabaab xalay ay ku qaadeen deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarkan ayaa waxaa Al Shabaab ay sheegeen in ay ku dileen illaa lix askari oo ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland, kuna dhaawaceen ku dhawaad 10 kale. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya duleedka Kismaayo, gaar ahaan saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi. The post Mareykanka Oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites