Sign in to follow this  
Deeq A.

Cirro “Alle ayaa kashifay oo banaanka keenay waxay Muddo naga qarinayeen oo Shacabka hadal hayay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Xisbiga Wadani C/llaahi Maxamed Ciro ayaa ka hadlay xaaladda dhaqaalaha ee Somaliland iyo dhaqaalaha badan ee deyn ahaan loo geliyay Somaliland.

C/raxmaan Cirro ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ee hadda talada haysa aysan waxba ka qaban waxyaabaha Shacabka Somaliland ka faliyeen inay qabato, isaga oo sheegay in Muuse Biixi uu ku fashilmay u adeegidda dadweynaha.

“Madaxweynaha waxa laga filayay iyo waxyaabaha uu dadweynuhu u balan qaaday waa ku fashilmay, arrimaha dibadda, dib u heshiisiinta iyo dhaqaalaha waxba kama qaban madaxweynuhu”.ayuu yiri Ciro.

Sidoo kale C/raxmaan Cirro ayaa soo hadal qaaday dhaqaalaha badan ee deynta ah, isaga oo sheegay in lacagtaasi horey ay xog ahaan u hayeen dadweynaha Somaliland, balse hadda ay banaanka timid waxii muddo la qariyaba.

“Shacbiga intaa wey hadal hayeen, deynta 80 Milyan ee lagu wareejiyay madaxweyne Muuse Biixi, deyn la qariyay bey aheyd, sabab shacbiga looga qariyay ma garanayo, arintaasi Alle ayaa kashifay baan isleeyahay waxii shacabka sheegayay baa soo baxay”.

Ugu dambeyn hogaamiyaha Wadani ayaa sheegay in xukuumadda uu ugu baaqayo inay banaanka keento cadeymaha muujinaya sida deyntaa badan ay  u gashay xukuumadii Siilaanyo.

“Xukuumada waxaan ugu baaqayaa siduu shacabka  u deymoobay loo sheegay, warbixin buuxdana shacabka laga siiyo deyntaa iyo sidey shacabka deyntaa ku gashay iyo waxyaabaha loo qabtay”ayuu yiri C/raxmaan Cirro.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this