Deeq A. Posted February 5, 2019 Marka (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda barqanimadii maanta lagula eegtay waddada xeebta ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo uu hoggaaminayay abaandulaha ciidanka 12 April, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Jaziira iyo Dhanaane ee gobolkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaasi iyadoona uu ku dhintay abaandulihii 12-ka April gaashaanle sare C/salaan Aadan Kurjoy, waxaana sidoo kale ku dhawaacay taliyihii deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxan. Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyo la eegta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/ Hoose The post Ciidamo ka tirsan kuwa DF Oo qarax lagula eegtay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites