Deeq A. Posted February 4, 2019 Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxii shirkadda DP World ee dekadda magaalada Boosaaso ayaa lagu toogtay isla magaaladaasi. Anthony ayaa markii la dilayey ku sugnaa sida la sheegay dhul ay deganaayeen Kalluumeysato oo ay doonayeen ka shirkad ahaan in ay dhistaan, wuxuuna ku amrayey Kalluumeysatada iney halkaasi ka guuraan. Nin hubeysan ayaa la sheegay in isla goobtaasi uu ku toogtay Paul Anthony, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland. Ciidamada ayaa siodoo kale isla goobta ku qabtay ninkii dilka ka dambeeyay oo isna la sheegay iney dhaawaceen. Paul Anthony ayaa u dhashay dalka Talyaaniga, wuxuuna howshan wadan tan iyo October 2017. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites