Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo wasiirada DF u sheegay in heshiiskii ay galeen lagula xisaabtamayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wasiirada xukuumadda Kheyre u sheegay in lagula xisaabtamayo fulinta heshiiskii ay la galeen ra’iisul wasaare Khayre ee halbeegdyada tubta amniga iyo cadaaladda..

Farmaajo ayaa hadalkan maanta sheegay isaga oo guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Tubta amniga iyo Caddaaladda oo looga hadlay dardar-gelinta howlaha iyo halbeegyada hay’adaha iyo wasaarahada ku midaysan tubta ee la xariira sugidda amniga iyo horumarinta caddaaladda dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, wasiirro, taliyaasha ciidanka qalabka sida, hey’adaha amniga gobalka ayaa ka qayb galay kulanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay dhammaan hayadaha iyo wasaaraha halbeegyada ku leh tubta in lagula xisaabtamayo fulinta halbeegyadii ay kula heshiiyeen ra’iisul wasaare Khayre in ay ku dhamaystirayaan sannadkaan 2019.

Tubta amniga iyo cadaaladda oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ee lagu saleeyay barnaamijka xukuumadda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn waxaa kamid ah dhamaystirka qorshaha kala guurka ee ciidanka Qarnaku ay kula wareegayaan amniga dalka iyo hagaajinta hannaanka caddaaladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this