Sign in to follow this  
Deeq A.

DF ma aqbashay dalabkii Itoobiya ee ahaa in Xamar la keeno ciidamadeeda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn oo kasoo jeeda dalka Itoobiya ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Amisom, isaga oo xilkan kala wareegay Jeneral Jim Beesigye Owoyesigire, oo hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018.

Ethiopia ayaa dhowr mar oo horey diiday inay qabato hoggaanka taliska ciidamada Amisom, ayada oo ku xirtay shuruud ay diideen dowladihii hore ee Soomaaliya.

Ethiopia ayaa horey u dalbatay in qaar ka mid ah ciidamadeeda la geeyo magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, si ay u qabato hogaanka Amisom, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Dowlidihii hore ee Soomaaliya ayaa ku gacan seeray dalabkan, ayaga ka cabsanaya xasaasiyadda ka dhalan karta tallaabo noocaas ah kadib xasuuqii ay ciidamada Itoobiya ka gaysteen magaalada Muqdisho.

Dowladihii hore ee Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in ciidamo ku filan oo Amisom ah ay joogaan Muqdisho.

Si kastaba, waxaan caddeyn in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay aqbashay dalabkaas iyo in Itoobiya ay tanaasushay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan xiriir la sameynay waa ay diideen inay ka hadleen arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this